Xisbiga Gobanimo waa xisbigaaga


MAR KALE 

IYO

SOOMAALINIMO

 

 

Urur Siyaasadeedka Gobanimo (USG)

Waa urur ay ku mideysanyihiin qaar ka mid ah haldoorka siyaasadda Soomaaliyeed wuxuuna u taagan ilaalinta, adkaynta iyo ka miro-dhalinta Nabadda iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed oo ah tiirarka ugu waaweyn ee nolosha dadka iyo jiritaanka dalka.

Ururku waxaa lagu aasaasay magaalada Muqdisho taariikhdu markay ahayd 18 April 2025. Xarunta dhexe ee Urur Siyaasadeedka Gobanimo waa Magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna xafiisyo kuleeyahay gobollada iyo degmooyinka dalka, wuxuu kale oo uu wakiilo ku leeyahay dalka dibadiisa.

Musharax Xisbiga Gobanimo

Suldaan Cabdiqani Qorane Maxamed waa hoggaamiye dhaqameed Soomaaliyeed oo ka soo jeeda beesha Maxamed Cumar (Cumar Maxamuud). Wuxuu caan ku yahay aqoontiisa diimeed iyo mid maadi ah, isagoo si weyn loogu soo dhaweeyey degmada Xarfo ee gobolka Mudug bishii May 2015 .

Bishii May 2015, Suldaan Cabdiqani Qorane ayaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyey degmada Xarfo, isagoo hogaaminayey wafdi ay ka mid ahaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, aqoonyahano, ganacsato, nabadoono, iyo marti sharaf laga casuumay gobollada Puntland . Xafladda soo dhoweynta ayaa lagu qabtay xarunta dugsiga sare ee degmada Xarfo, waxaana ka soo qayb galay maamulka degmada, cuqaasha, waxgaradka, nabadoonnada, haweenka, iyo dhalinta ku dhaqan degmada

Mabaadii’da Ururka

Ururka wuxuu aaminsan yahay Mabaadi’da guud ee soo socda:

Diinta Islaamka

Diinta Islaamku waa tiirka ugu weyn ee saldhigga u ah hab nololeedka shacabka soomaaliyeed. Ururku wuxuu u hoggaansan yahay shareecada islaamka, lamana xeerin karo qawaaniin Diinta Islaamk kasoo horjeedda.

Saxaafadda Xorta ah

Ururku wuxuu difaacayaa madax-bannaanida warbaahinta, isagoo u oggolaanaya inay si xor ah, qiyamna leh u gutaan waajibaadkooda warbaahineed.

Nabadgelyo iyo Deganaansho

Ururku wuxuu rumaysan yahay in nabadda ay tahay furaha horumarka. Waxa ka go’an in uu ka shaqeeyo sugidda amniga dalka, dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika iyo qaaradda Afrika.

Isbeddel Siyaasadeed oo Wanaagsan

Ururku wuxuu ku taagan yahay waddada isbeddel siyaasadeed oo ku dhisan nabad, midnimo, horumar iyo caddaalad, iyada oo ay udub dhexaad u tahay sarreynta sharciga iyo Cadaaladda muwaadiniinta.

Isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa

Ururku wuxuu dhiirrigelinayaa isla xisaabtanka, daahfurnaanta, hufnaan u maareynta hantida guud, wuxuuna la dagaallamayaa kana hortaggayaa ku takri-falka awoodaha, musuqmaasuqa iyo caddaalad darrada.

Xaqiijiinta Caddaaladda iyo Sareynta sharciga

Xisbiga Gobanimo wuxuu u taagan yehay hirgelinta cadaalad la isku halleyn karo inay dalka ka hanaqaaddo, muwaadiniintuna u sinnaadaan sharciga iyo la dagaallanka takoorka ku saleysan Isir, Qabiil, Jinsi, midab, naafonimo iwm..

Hogaanka Xisbiga Gobanimo

Suldaan Cabdiqani Qorane Maxamed

Guddoomiyaha Xisbiga Gobanimo Ahna Musharax Madaxweyne jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya 2026-2030.

Dr CabdiCasiis Isaaq Aadan

Guddoomiye ku Xigeynka Xisbiga Gobanimo.

Sheikh Cabduraxmaan Maxamuud Faarax Janaqow

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Gobanimo.

Ka Qayb Qaado Dadaalka Xisbiga

  • Si aad uga qeyb qaadatid hirgelinta aragtida iyo mabaadii’da xisbiga gobanimo,
  • fadlan ku deeq wixii awooddaada ah adiga oo ku shubaya Bank Accounts-ka hoos
  • ku qoran ama ku dir xawaaladaha adiga oo siinaya lambarrada Accounnada Bangiyada Xisbiga: