Falsafadda Ururka

Falsafadda Ururka

Ururka Gobanimo wuxuu ku dhisan yahay falsafad ku saleysan xaqsoor, Cadaalad iyo horumar waara, isagoo aaminsan in: Dawladnimadu tahay adeeg loo hayo shacabka, isla markaana sharciga iyo codka shacabka yihiin laf-dhabarta jiritaanka dowladnimo.

Xukuumaddu ay tahay mid loo dhisay daryeelka dadka nugul: haweenka, carruurta, dadka naafada ah, barakacayaasha, dadka la hayb sooco, dadka laga tirada badan yahay, shaqaalaha iyo bulshada danyarta ah.

Dowladnimadu waxay tahay mid u furan cid kasta, kuna saleysan adeegyo cadaalad ah sida: waxbarasho tayo leh, caafimaad la heli karo, biyaha nadiifta ah, koronto, hoy, fursado shaqo iyo horumar bulsho oo siman.

Kheyraadka dabiiciga ah iyo hantida dalka in laga wada faa’iideeyo si caddaalad iyo hufnaan leh.

Tabaha Tayeynta iyo Xaqiijinta Ujeeddooyinka Ururka

Tabaha Tayeynta iyo Xaqiijinta Ujeeddooyinka Ururka

  1. Dhisidda hay’ado iyo shaqaale xirfad leh oo u adeega bulshada, kuna shaqeeya aragtida Ururka.
  2. Curinta fikrado siyaasadeed oo lagu horumariyo Shuruucda iyo Xeerarka Dalka si waafaqsan Mabaadi’da diinta Islaamka, Dhaqanka suubban iyo Gobanimada Soomaaliyeed.
  3. Adeegsiga warbaahinta si loo faafiyo mabaadi’da iyo ujeeddooyinka Ururka.
  4. Tababaridda iyo tayeynta xubnaha iyo howlwadeennada si loo xaqiijiyo hirgelinta himilooyinka siyaasadeed ee Ururka.
  5. Adeegsiga dhammaan waddooyinka shacigu oggol yahay si loo gaaro himilooyinka Ururka, iyadoo aan lagu xadgudbin Dastuurka KMG ah iyo xeerarka Ururka.
  6. Abaabulka dhab-u-heshiisiin bulsho iyo siyaasadeed, si dib loogu helo kalsoonida shacabka iyo qiimaha bulshada Soomaaliyeed.