Hordhac

Urur Siyaasadeedka Gobanimo (USG) waa urur ay ku mideysanyihiin qaar ka mid ah haldoorka siyaasadda Soomaaliyeed wuxuuna u taagan ilaalinta, adkaynta iyo ka miro-dhalinta Nabadda iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed oo ah tiirarka ugu waaweyn ee nolosha dadka iyo jiritaanka dalka.Ururku waxaa lagu aasaasay magaalada Muqdisho taariikhdu markay ahayd 18 April 2025. Xarunta dhexe ee Urur Siyaasadeedka Gobanimo waa Magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna xafiisyo kuleeyahay  gobollada iyo degmooyinka dalka, wuxuu kale oo uu wakiilo ku leeyahay dalka dibadiisa.

 

 

Ururka waxaa loo asaasay markii haldoorka garwaaqsadeen baahida shacabka Soomaaliyeed u qabo hoggaan siyaasadeed oo daacad ah, xasilooni siyaasadeed, midnimo qaran, nidaam iyo kala dambeyn, amni waara, xorriyad, dowlad-wanaag ku dhisan xorriyad, caddaalad bulsho, iyo hannaan horumarineed oo la jaanqaadi kara rabitaanka iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed. Hal-ku-dhegga Ururku waa: “Amni iyo Cadaalad loo gudboon yahay”.

Aragtida Ururka

Ururka  Gobanimo waxa uu ku taamayaa dhisidda Bulsho Soomaaliyeed oo amni ah, cadaalad ku nool, leh midnimo qaran, wadajir iyo iskaashi, kana bedqabta kala qeybsanaan, qabyaalad, colaad, cabsi, is naceyb, iyo xagjirnimo.

Himalada Ururka

Himilada Ururku waa in dadkeenna dib loogu soo celiyo karaamada, sharafta iyo awoodda Qarannimada Soomaaliyeed, taas oo saldhig u ah mabda’a iyo yoolka siyaasadeed ee uu ururka higsanaayo, si loo xaqiijiyo hanka qaran iyo dowladnimada ay shacabka Soomaaliyeed mudan yihiin.

Madaxda Xisbiga

Ururka Gobanimo wuxuu ku dhisan yahay falsafad ku saleysan xaqsoor, Cadaalad iyo horumar waara, isagoo aaminsan in: Dawladnimadu tahay adeeg loo hayo shacabka, isla markaana sharciga iyo codka shacabka yihiin laf-dhabarta jiritaanka dowladnimo.

Sultan Abdikani Qorane

Sultan Abdikani Qorane

gadoomiyaha Xisbiga
Dr Abdiasis Husein Isak

Dr Abdiasis Husein Isak

G. Ku Xigaynka Xisbiga
Abdirahman Mohamud Farah

Abdirahman Mohamud Farah

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga