Xisbiga Gobanimo wuxuu u taagan yahay dib-u-habeyn siyaasadeed oo dhab ah, taasoo sal u ah isbeddel waara iyo dowladnimo caddaalad ku dhisan. Dib-u-habaynta aan ku hawlanahay waxay xooga saaraysaa:

  • In dib loo hagaajiyo hay’adaha dowliga ah si ay ugu adeegaan shacabka si hufan.

  • In la sugo isla xisaabtan dhab ah iyo daahfurnaan dhammaan heerarka maamulka.

  • In xukuumadda noqoto adeeg u adeega bulshada, ee aan aheyn awood lagu cabburiyo shacabka.

Waxaan aaminsanahay in si loo helo dowlad caddaalad iyo karti leh, loo baahan yahay dib-u-habeyn dhameystiran oo lagu saleeyo aqoon, waayo-aragnimo, iyo la tashiyo dhab ah oo lala yeesho shacabka.