Dib-u-habaynta labaad ee Xisbiga Gobanimo waxay xooga saareysaa tayeynta nidaamka maamulka dowladeed si loo helo hufnaan, isla xisaabtan, iyo adeeg dadweyne oo dhab ah. Qorshahan dib-u-habayneed wuxuu diiradda saaraya:
-
In la helo nidaam maamul daahfuran oo si joogto ah loo qiimeeyo waxqabadkiisa.
-
In la yareeyo farqiga u dhexeeya dowladda iyo shacabka iyadoo la xoojinayo adeegyada deegaanka.
-
In la horumariyo hababka go’aan qaadashada iyadoo la tixgalinayo talooyinka bulshada.
Waxaan aaminsanahay in dib-u-habeyn sax ah lagu gaari karo dowladnimo loo dhan yahay, oo lagu saleeyo mas’uuliyad, karti, iyo la xisaabtan dhab ah. Waa tallaabo lagama maarmaan u ah xoojinta kalsoonida shacabka iyo kobcinta horumar waara.
