Falsafadda Ururka
Ururka Gobanimo wuxuu ku dhisan yahay falsafad ku saleysan xaqsoor, Cadaalad iyo horumar waara, isagoo aaminsan in: Dawladnimadu tahay adeeg loo hayo shacabka, isla markaana sharciga iyo codka shacabka yihiin laf-dhabarta jiritaanka dowladnimo.
Xukuumaddu ay tahay mid loo dhisay daryeelka dadka nugul: haweenka, carruurta, dadka naafada ah, barakacayaasha, dadka la hayb sooco, dadka laga tirada badan yahay, shaqaalaha iyo bulshada danyarta ah.
Dowladnimadu waxay tahay mid u furan cid kasta, kuna saleysan adeegyo cadaalad ah sida: waxbarasho tayo leh, caafimaad la heli karo, biyaha nadiifta ah, koronto, hoy, fursado shaqo iyo horumar bulsho oo siman.
Kheyraadka dabiiciga ah iyo hantida dalka in laga wada faa’iideeyo si caddaalad iyo hufnaan leh.
