๐Œ๐š๐ซ๐ค๐š ๐๐ž๐ž๐ง๐ญ๐š ๐‹๐จ๐จ ๐’๐š๐œ๐›๐ข๐ฒ๐จ: ๐’๐ก๐ž๐ž๐ค๐š๐๐š ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐š๐ฐ๐š๐ง๐š๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

๐Œ๐š๐ซ๐ค๐š ๐๐ž๐ž๐ง๐ญ๐š ๐‹๐จ๐จ ๐’๐š๐œ๐›๐ข๐ฒ๐จ: ๐’๐ก๐ž๐ž๐ค๐š๐๐š ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐š๐ฐ๐š๐ง๐š๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

๐—›๐—ผ๐—ฟ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฐ

Bulshada Soomaaliyeed mararka qaarkood waxaa ka dhex dhaca xaalado ay dadku xaqiiqda wada garanayaan, balse ay ka baqaan inay si cad u sheegaan. Qaar waxay runta uga aamusaan cabsi ay ka qabaan inay waayaan xil, dhaqaale ama taageero, halka kuwo kalena ay raacaan hadalka dadka xilalka sare haya, xataa marka khaladku si muuqata u cad yahay.

Marka beenta la wada taageero, qofka runta sheegaya waxaa laga yaabaa in loo arko qof aan daacad aheyn, halka dadka khaladka qarinayana loo arko kuwo daacad ah.

Arrintan waxaa si fiican u bidhaaminaya sheekada โ€œ๐“๐ก๐ž ๐„๐ฆ๐ฉ๐ž๐ซ๐จ๐ซโ€™๐ฌ ๐๐ž๐ฐ ๐‚๐ฅ๐จ๐ญ๐ก๐ž๐ฌโ€ (๐ƒ๐ก๐š๐ซ๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ค๐š).

๐—ฆ๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ผ๐—พ๐—ผ๐—ฟ๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐—ค๐—ฎ๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ

Sannado badan ka hor waxaa jiray boqor aad u jeclaa dharka cusub. Lacagtiisa inteeda badan wuxuu ku bixin jiray inuu helo dharka ugu quruxda badan. Dan kama gelin xaaladda ciidankiisa, dhibaatooyinka dadkiisa ama howlaha kale ee boqortooyada. Waxa keliya ee uu jeclaa waxay ahayd inuu dadka tuso dharkiisa cusub. Halkii laga dhihi lahaa sida madaxda kale laga yiraahdo, โ€œ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐š๐ฒ๐ฎ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐š,โ€ dadka magaaladaasi waxay mar walba dhihi jireen, โ€œ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ค๐ฎ ๐ช๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐ฅ๐š๐›๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐š๐ฒ๐ฎ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐š.โ€

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa magaalada yimid laba nin oo khiyaanooleyaal ah. Waxay sheegeen inay yihiin dhar-sameeyayaal awood u leh inay sameeyaan maro aan caadi ahayn. Waxay dhaheen in maradaas aysan arki karin dadka doqommada ah ama kuwa aan xilalkooda u qalmin.

Markii uu boqorku warkaas maqlay, aad ayuu ugu farxay. Wuxuu is yiri: โ€œ๐‡๐š๐๐๐ข๐ข ๐š๐š๐ง ๐๐ก๐š๐ซ๐ค๐š๐ง ๐ฑ๐ข๐ซ๐ญ๐จ, ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š๐ง ๐จ๐ ๐š๐š๐ง ๐ค๐š๐ซ๐š๐š ๐๐š๐๐ค๐š ๐œ๐š๐ช๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ฅ๐ž๐ก ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฐ๐š ๐๐จ๐ช๐จ๐ฆ๐ฆ๐š๐๐š ๐š๐ก. ๐–๐š๐ฑ๐š ๐ค๐š๐ฅ๐ž ๐จ๐จ ๐š๐š๐ง ๐ ๐š๐ซ๐š๐ง ๐ค๐š๐ซ๐š๐š ๐ฌ๐š๐ซ๐š๐š๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ก๐š ๐š๐š๐ง ๐ฑ๐ข๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐จ๐จ๐๐š ๐ฎ ๐ช๐š๐ฅ๐ฆ๐ข๐ง.โ€

Boqorku wuxuu labada nin siiyay lacag badan, xariir iyo dun dahab ah si ay dharka u sameeyaan. Hase yeeshee, khiyaanooleyaashu wax maro ah ma samayn. Waxay hor fadhiisteen qalab maran, iyagoo iska dhigaya inay shaqaynayaan. Xariirtii, duntii dahabka ahayd iyo lacagtiiba jeebabkooda ayay ku xareysteen.

Muddo ka dib, boqorku wuxuu doonay inuu ogaado sida ay shaqadu u socoto. Wuxuu u diray wasiirka ugu daโ€™da weyn oo uu aad ugu kalsoonaa. Markii wasiirku galay qolkii, wuxuu arkay labada nin oo qalab maran hor fadhiya. Waxba ma uusan arkin.

โ€œ๐ˆ๐ฅ๐š๐š๐ก๐š๐ฒ๐จ๐ฐ,โ€ ayuu is yiri, โ€œ๐ฆ๐š ๐๐จ๐ช๐จ๐ง ๐›๐š๐š๐ง ๐š๐ก๐š๐ฒ? ๐Œ๐ข๐ฌ๐ž ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฎ๐ฆ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ฆ๐จ?โ€

Wuxuu ka baqay in dadka loo sheego inuusan marada arki karin. Sidaas darteed wuxuu yiri: โ€œ๐Œ๐š๐ซ๐š๐๐ฎ ๐š๐š๐ ๐›๐š๐ฒ ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฑ ๐›๐š๐๐š๐ง ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ. ๐Œ๐ข๐๐š๐›๐›๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ง๐š๐ช๐ฌ๐ก๐š๐๐๐ฎ๐›๐š ๐ฐ๐š๐š ๐œ๐š๐ฃ๐ข๐ข๐›.โ€

Markii uu boqorka ku noqday, wuxuu u sheegay in maradu tahay mid aad u qurux badan.

Boqorku wuxuu markale diray sarkaal kale. Isaguna waxba ma uusan arkin, laakiin wuxuu ka baqay in loo maleeyo qof doqon ah ama aan xilkiisa u qalmin. Sidaas darteed isaguna maradii aan jirin ayuu ammaanay.

Ugu dambayn, boqorkii laftiisa ayaa u tegay khiyaanooleyaashii, isaga oo ay la socdaan wasiirradiisii iyo saraakiishiisii. Markii uu eegay qalabkii, waxba ma uusan arkin.

โ€œ๐Œ๐š ๐๐จ๐ช๐จ๐ง ๐›๐š๐š๐ง ๐š๐ก๐š๐ฒ?โ€ ayuu qalbigiisa iska weydiiyay. โ€œ๐Œ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ง๐š๐ง ๐›๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ง๐ข๐ฆ๐š๐๐š ๐ฎ ๐ช๐š๐ฅ๐ฆ๐ข๐ง?โ€

Inkastoo uusan waxba arkin, haddana wuxuu yiri: โ€œ๐Œ๐š๐ซ๐š๐๐ฎ ๐š๐š๐ ๐›๐š๐ฒ ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฑ ๐›๐š๐๐š๐ง ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ. ๐€๐š๐ ๐š๐ฒ๐š๐š๐ง ๐ฎ๐ ๐š ๐ก๐ž๐ฅ๐š๐ฒ.โ€

Saraakiishii la socotay iyaguna waxba ma aysan arkin, laakiin dhammaantood waxay ku dhawaaqeen: โ€œ๐–๐š๐š ๐ฆ๐š๐ซ๐จ ๐œ๐š๐ฃ๐ข๐ข๐› ๐š๐ก! ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ค๐ฎ ๐ฐ๐š๐š ๐ข๐ง๐ฎ๐ฎ ๐ฑ๐š๐Ÿ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ญ๐š๐š.โ€

Khiyaanooleyaashii waxay sii wateen khiyaanadoodii.

Habeenkii ka horreeyay xafladda, khiyaanooleyaashu habeenkii oo dhan way soo jeedeen. Waxay shideen in ka badan lix shumac si ay dadka ugu muujiyaan inay aad ugu mashquulsan yihiin dhammaystirka dharka cusub ee Boqorka. Waxay iska dhigeen inay marada qalabka ka saarayaan. Waxay maqasyada waaweyn hawada ku googooyeen.

Ugu dambayn waxay yiraahdeen: โ€œ๐‡๐š๐๐๐š ๐๐ก๐š๐ซ๐ค๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ค๐ฎ ๐ฐ๐š๐š ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ.โ€

Boqorkii ayaa yimid isaga oo ay la socdaan saraakiishiisa iyo amiirradiisa ugu sareeya dalka. Labadii khiyaanoole mid walba gacanta ayuu kor u qaaday sidii inuu wax hayo.

Waxay yiraahdeen: โ€œ๐Š๐ฎ๐ฐ๐š๐ง๐ข ๐ฐ๐š๐š ๐ฌ๐ฎ๐ซ๐ฐ๐š๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐๐ข๐ข. ๐‡๐š๐ฅ๐ค๐š๐ง๐ข ๐ฐ๐š๐š ๐ฃ๐š๐š๐ค๐š๐๐๐ข๐ข, ๐ค๐š๐ง๐ง๐š ๐ฐ๐š๐š ๐ ๐จโ€™๐ข๐ข ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐š.โ€

Waxay magacabeen qayb kasta oo dharka ka mid ah. โ€œ๐ƒ๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐จ๐จ๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐ฎ ๐Ÿ๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐ฌ๐ข๐๐š ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐›๐ค๐š ๐œ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š. ๐๐จ๐Ÿ๐ค๐ฎ ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ ๐ฎ ๐ฆ๐š๐ฅ๐š๐ฒ๐ง ๐ค๐š๐ซ๐š๐š ๐ข๐ง๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐š๐ง ๐ฐ๐š๐ฑ๐›๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐ง๐š๐ฒ๐ง, ๐ฅ๐š๐š๐ค๐ข๐ข๐ง ๐ญ๐š๐š๐ฌ ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ค๐š ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ๐ฌ๐š ๐ค๐ฎ๐ฐ๐จ ๐š๐š๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ฌ๐š๐งโ€.

โ€œ๐–๐š๐š ๐ฌ๐ข๐๐š๐š๐ฌ,โ€ ayay amiirradii wada dhaheen, inkasta oo aysan waxba arki karin, waayo wax la arko ma jirin.

โ€œ๐‡๐š๐๐๐ข๐ข ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐ซ๐š๐Ÿ๐ญ๐š ๐‹๐ž๐ก ๐ฎ๐ฎ ๐จ๐ ๐ ๐จ๐ฅ๐š๐š๐๐จ ๐ข๐ง๐ฎ๐ฎ ๐๐ก๐š๐ซ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐จ,โ€ ayay khiyaanooleyaashu yiraahdeen, โ€œ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š๐ง ๐ก๐š๐ฅ๐ค๐š๐ง, ๐ฆ๐ฎ๐ซ๐š๐š๐ฒ๐š๐๐๐š ๐๐ก๐ž๐ž๐ซ ๐ก๐จ๐ซ๐ญ๐ž๐ž๐๐š, ๐ค๐š๐ ๐š ๐œ๐š๐š๐ฐ๐ข๐ง ๐๐จ๐จ๐ง๐ง๐š๐š ๐ข๐ง๐ฎ๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ญ๐จ ๐๐ก๐š๐ซ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐›โ€.

Boqorka dharkiisii ayuu iska bixiyay. Khiyaanooleyaashuna waxay iska dhigeen inay mid mid ugu xirayaan dharkiisa cusub.

Waxay dhexda ka qabteen iyagoo iska dhigaya inay wax ku xirayaan. Waxay sheegeen inay hagaajinayaan qaybta dheer ee marada gadaal jiidaysa. Boqorkuna marba dhinac ayuu isu rogrogayay muraayadda horteeda.

โ€œ๐’๐ข๐๐ž๐ž ๐ช๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฑ ๐›๐š๐๐š๐ง ๐ž๐ž ๐๐ก๐š๐ซ๐ค๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ช๐๐š๐š ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ค๐š! ๐’๐ข๐๐ž๐ž ๐ฐ๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ฌ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐š๐ฒ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ก๐š๐›๐›๐จ๐จ๐ง ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง!โ€ ayaa dhinac walba laga lahaa.

โ€œ๐๐š๐ช๐ฌ๐ก๐š๐๐๐ฎ ๐š๐š๐ ๐›๐š๐ฒ ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐š๐ง ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ! ๐Œ๐ข๐๐š๐›๐›๐š๐๐ฎ๐ง๐š ๐š๐š๐ ๐›๐š๐ฒ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ก๐š๐›๐›๐จ๐จ๐ง ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง! ๐–๐š๐š ๐ฅ๐š๐›๐›๐ข๐ฌ ๐š๐š๐ ๐ฎ ๐œ๐š๐ฃ๐ข๐ข๐› ๐›๐š๐๐š๐ง!โ€.

Markaas mid kamid wasiiradii ayaa yiri: โ€œ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐จ๐ฐ, ๐๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐๐๐ข๐ข ๐›๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐ฎ ๐›๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐š๐ฒ๐š๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐ฎ๐ ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐š.โ€

โ€œ๐‡๐š๐ ๐š๐š๐ , ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š๐ง ๐Ÿ๐ข๐ฅ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ข๐ง๐š๐š๐ง ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐š๐ก๐š๐ฒ,โ€ ayuu Boqorku yiri.

Mar kale ayuu muraayadda isku eegay Boqorka.

โ€œ๐’๐ข ๐œ๐š๐ฃ๐ข๐ข๐› ๐š๐ก ๐š๐ฒ๐š๐ฒ ๐ข๐ข๐ ๐ฎ ๐ก๐š๐›๐›๐จ๐จ๐ง ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง, ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ง๐š๐ฒ ๐š๐ก๐š๐ฒ๐ง?โ€ ayuu yiri, isagoo iska dhigaya inuu dharkiisa si weyn u danaynayo.

Amiirradii qaadi lahaa qaybta dheer ee marada ayaa hoos u foorarsaday, waxayna gacmaha dhulka u fidiyeen sidii inay wax qaadayaan. Dabadeed waxay iska dhigeen inay kor u qaadeen oo hayaan. Ma aysan ku dhiirran inay qirtaan inaysan waxba gacmaha ku hayn.

Boqorkii wuxuu magaalada dhex maray isaga oo aan wax dhar ah xirnayn. Dadkii waddooyinka joogay waxay wada ogaayeen inuusan waxba xirnayn, laakiin qof walba wuxuu ka baqayay in loo maleeyo doqon ama qof aan u qalmin xilkiisa.

Sidaas darteed waxay ku qayliyeen: โ€œ๐–๐š๐š ๐ฆ๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐๐ก๐š๐ซ ๐ช๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฑ ๐›๐š๐๐š๐ง! ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ค๐š ๐š๐š๐ ๐š๐ฒ๐ฎ๐ฎ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ก๐š๐›๐›๐จ๐จ๐ง ๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ!โ€

Markaas ayaa ilmo yar oo dadka dhex taagnaa si daacad ah u yirii: โ€œ๐‹๐š๐š๐ค๐ข๐ข๐ง ๐›๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ค๐ฎ ๐ฐ๐š๐ฑ ๐๐ก๐š๐ซ ๐š๐ก ๐ฆ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐ง๐š!โ€.

Dadkii ayaa hadalka ilmaha isu gudbiyay. Ugu dambayn magaalada oo dhan waxay ku dhawaaqday: โ€œ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐จ๐ฐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐›๐š ๐ฆ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐ง๐ข๐!โ€

Boqorku wuu gariiray, sababtoo ah wuxuu ogaaday inay run sheegayaan. Hase yeeshee, kibirkiisa awgiis, wuxuu goโ€™aansaday inuu socodka sii wato. Wuxuu u socday si ka kibir badan sidii hore, halka saraakiishiisuna iska dhigayeen inay qaadayaan goโ€™ dheer oo aan jirin.

๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐Š๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐Š๐š๐ซ๐ญ๐š๐š?

Sheekadani ma aha oo keliya sheeko faneed. Waa digniin ku saabsan dhibaatada ka dhalata marka bulshada:

โ€ข Beenta taageerto;

โ€ข Runta ka baqdo;

โ€ข Khaladka loo sacbiyo;

โ€ข Dadka awoodda leh aan lala xisaabtamin;

โ€ข Xilka iyo danaha gaarka ah laga hormariyo xaqiiqda;

โ€ข Qof walba raaco hadalka madaxda, isaga oo aan si madax-bannaan u fikirin.

Sida ilmaha yar ee sheekada ku jira, qofka runta sheega mararka qaarkood wuxuu noqon karaa qof aan xil, awood ama dano gaar ah lahayn. Waxaa laga yaabaa inuu yahay muwaadin caadi ah, aqoonyahan, wariye, shaqaale ama qof dhalinyaro ah oo keliya ku dhiirraday inuu magacaabo xaqiiqda ay dadka kale wada arkayaan.

Soomaaliya waxay u baahan tahay muwaadiniin iyo masuuliyiin ku dhiirrada inay xaqiiqda sheegaan, xataa marka runtaasi dhib ku tahay dadka awoodda leh.

Horumar dhab ahi ma yimaado marka khaladka loo sacbiyo, beentana loo bixiyo guul.

Horumarku wuxuu yimaadaa marka:

โ€ข Runta la aqbalo;

โ€ข Hoggaanka lala xisaabtamo;

โ€ข Khaladka la saxo;

โ€ข Aragtida kala duwan la oggolaado;

โ€ข Qof kastaa si madax-bannaan u fikiro;

โ€ข Danta guud laga hormariyo xilka iyo danaha gaarka ah.

Casharka Ugu Weyn

Runta waa inaan loo qarin cabsi, dano gaar ah ama raacidda dadka kale awgeed. Bulsho beenta u sacbisa waxay halis ugu jirtaa inay muddo dheer la socoto ๐›๐จ๐ช๐จ๐ซ ๐š๐š๐ง ๐ฐ๐š๐ฑ ๐๐ก๐š๐ซ ๐š๐ก ๐ฑ๐ข๐ซ๐ง๐š๐ฒ๐ง. Bulsho runta sheegtana waxay heli kartaa fursad ay khaladkeeda ku saxdo, hoggaankeedana kula xisaabtanto.

SULDAAN Cabdiqani Qorane waa Musharrax Madaxweyne Soomaaliyeed, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Gobanimo

SULDAAN Cabdiqani Qorane waa Musharrax Madaxweyne Soomaaliyeed, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Gobanimo

SULDAAN Cabdiqani Qorane waa Musharrax Madaxweyne Soomaaliyeed, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Gobanimo โ€” xisbi u taagan daryeelka ummadda, difaaca qaranimada iyo horumar waara.
Waa Mujaahid Soomaaliyeed oo sannado badan ku jiray halganka bulshada, aaminsan caddaaladda, midnimada iyo horumarinta dalka.
Waa Isin Soomaaliyeed, Sheekh la qadariyo, iyo Injineer khibrad leh, oo isku darsaday diinta, aqoonta iyo aragti qaran.
Hoggaankiisu waa mid daacadnimo ku dhisan, dadkiisana u taagan si kal iyo laab ah.
Xisbiga Gobanimo wuxuu maanta u yahay shacabka iftiin iyo isbeddel suurtagal ah.
Codkaaga waa Gobanimadaada La Garab Istaag Hogaan Hufan .